Maxaad ka taqaana magaalada qadiimiga ah ee Abaasa (Abaaso) (1)Abaasa (Af-Ingiriis: Abasa), ama Abaaso, waa magaalo qadiimi ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee gobolka Awdal. Abaasa waxay qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxayna qiyaastii 15 km dhanka bari kaga beegan tahay magaalada Boon ee gobolka Awdal. Waa magaalo dugowday oo dadku intooda badani aanay aqoonin. Imika waa meel iska furan oo waxa iska dhex mara dadka iyo duunyada, intaba. Dadka qaar oo wax ka og jiritaanka magaaladani waxay ku sheegaan in ay ku aasan tahay boqorad sida an hoos ku xusi doono. Bari hore waxa dadka wadada ku safrayaa caada ka dhigteen in ay dhagax ku tuuran taalo halkaa ku taala, sida caadada u ah xabaal ma guurta.Philip Briggs (2012) wuxuu qeexayaa burburka Abaasa:« Abaasa oo ah tan ugu cajaa’ibka badan magaalooyinka burburay ee ku xeeran Boorama, waxa lagu tegi karaa 4x4 kaliya, waxay qaadanaysa 2-saac oo baabuur ah oo la raacayo waddada Saylac ee waqooyi-galbeed, ka dibna loo leexanayo waqooyi-bari ilaa tuulada Boon ka hor intaadan qaadin wado adag oo ah 15km dhanka bari. »Abaaso waxay ku taal in ka badan 1,000 m oo ka sarreysa heerka badda. Magaaladii hore waxa ay ka koobnayd in ka badan 400 oo guri, oo mid walba lagu dhisay dhagax. Dhismeyaashu waxa ay u dhexeeyan hal qol ilaa guryo barxad ah oo dhawr qol ah. Gidaarada qaar waxa loo yeelay gulacyo si loogu kaydiyo cuntada ama agabka guryaha. Gurayaha waxaa lagu saqafeeyay alwaax la dulsaaray oo la isku xidhxidhay. Masaajidada ayaa ahaa kuwo si qurux badan loo qorsheeyay.Abaaso waa magaalo weyn, waxay leedahay dhismayaal badan oo burburay oo ku fidsan dhul ballaaran. Dhismayaashan ayaa loo dhisay qaab rectangular ah. Masjidka wayn oo hadda burbursan ee Abaasa wuxuu leeyahay tiirar waaweyn oo ka kooban laba nooc oo kala duwan: cylindrical iyo cruciform. Agab qadiimi ah oo islaami ah iyo burbur agab dhoobo ah oo china ka yimid qiyaastiina ka soo jeeda qarnigii 14-aad ilaa 16-aad ayaa laga helay meesha ay Abaaso ku taalo, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay yihiin kuwo laga soo minguuriyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Adal Sultanate ama ka hor. Qalcaddii boqorad KholaRichard Francis Burton (1856) waxa uu ku tilmaamay Abaasa in ay hoy u ahayd boqorad Kola, boqorad awood badan oo la dagaalantay magaalada ay deriska yihiin ee Awbube colaad qadiimi ahina ka dhaxaysay. Wuxuu ku qoray buugiisa First Footsteps in East Africa:« Muddo saacad ah oo aanu soconnay ayaannu ku soo leexannay Abaas, oo waxaan galnay basin ku dhex yaal buuraha fogfog oo lix iyo toban mayl u jira Geedka Quduuska ah (geed dadkii waaga ay waynayn jireen). Magaaladan iyo deriskeeda Awbuube waxay u dagaalameen sidii bisadaha qaarkood ilaa ay labaduba is "cuneen". Dadka Gadabuursigu waxay dhacdada ku beegeen xilligii awoowayaashood ay weli degganaayeen Bulaxaar ee xeebta - qiyaastii 300 oo sano ka hor. Burburka ayaa daadsan dhulka oo dhan, ceelasha si fiican u qodnaa waxaa ka buuxa qashin: qasriga ayaa la ii tilmaamay iyadoo gidaarkiisa dhagaxa ah iyo dhoobada ay isku xiran yihiin dhisme weyn oo saqaf la'aan ah oo ka kooban laba iyo toban tiir oo labajibbaaran oo dhagaxyo qallafsan, iyo Mihrab, waxaa lagu tilmaamay dhismo wareeg ah. Waa miskiid aan codka mu’adinka dib looga maqal. Goobtu waxa ay ahayd meel xabaal ka muuqato; dhererka burburku wuxuu ka badnaa mayl iyo badh oo dhammaan waxay ahaayeen burbur - burbur - burbur. »Tixraaca Boqorada Khola, Galla ama gaal ee uu qoray Richard Francis Burton (1856), waxa ay tilmaamaysaa in ay ka talinaysay Abaasa xilligii Islaamka ka hor ee gobolka. Erayga Galla ama gaal waxa uu ahaa erey Soomaali ah oo tilmaamaya dadkii degganaa gobolka ka hor Islaamka, si aan loogu khaldin isla ereyga (Galla) oo ah erey bahdil ku ah Oromada. Iyadoo la tixgelinayo sifooyin Islaami ah oo cad oo ka dhisan magaalada iyo qalcadda ay ka buuxaan masaajido iyo macbadyo burburay, waxaa jira cadaymo muujinaya in boqoradda Kola ay sidoo kale ahaan lahayd boqorad waagii Islaamka.Richard Francis Burton (1856) ayaa sidoo kale qeexaya markii uu booqday goobta dagaalku ku dhex maray reer Abaasa iyo reer Awbuube :« Haddaba waxaan u sii gudbnay goobtii dagaalka, dhul ballaadhan oo ciid ah, oo ay ka muuqato qoobab baqlo iyo fardo: dhulkan, oo sida ay ii sheegeen hagayaashaydu, waagii hore ahaa dhul jilicsan oo soo jiidasho leh, ayuu ka dhacay dagaalkii waynaa ee Abaasa iyo Awbuube. Waa inta u dhaxaysa Awbuube iyo qalcadda Khola. »Abaasa iyo qalcadda boqorada Khola waxaa soo booqday safarro badan oo reer Yurub ah, sahamiyayaal iyo cilmi-baarayaal assarta qadiimiga ah. Waxaa ka mid ahaa Richard Francis Burton 1854-1855, Alexander T. Curle 1930-meeyadii, Neville Chittick 1978-kii iyo aqoonyahanno Faransiis ah François-Xavier Fauvelle-Aymar iyo Bernard Hirsch 2004.Qabrigada Gadabuursi iyo hab dhaqanka aaska ee AbaasaRichard Francis Burton (1856) waxa uu buuggiisa First Footsteps in East Africa si tafatiran ugu sharaxay qabrigii Gadabuursi ee soo jireenka ahaa ee Abaasa. Wuxuu yidhi :“Sagaalkii subaxnimo ayaanu ka gudubnay Abaasa Yar oo ay ka kooban dhoobo adag oo ay ka buuxaan dhagaxyo waaweyn oo duuban ; waanu ka gudubnay oo aan qaadnay waddo qodax leh oo kor u kacday dhulka buuraha dhaadheer u dhexeeya, waxaana hareereeya dhagaxyo waaweyn iyo wax jaranjaro u eg. Halkan waxaa ka soo muuqday dhowr xabaal Gudabuursi ah, tuulmo dhagaxyo ah ama quruurux ah, oo ay ku wareegsan yihiin deyr qodax ah, ama xayndaab ka samaysan xayndaabyo dabacsan. Waxaa ka dhex dhisan guryo yaryar sida sida carruurtu u dhisto marka ay ciyaarayso, taas oo astaan u ah tirada dhismooyinka uu ka tagay marxuumku. Geedka dariska la ah xabaasha ayaa lagu tuuraa gogoshii marxuumka lagu keenay qabriga. waxaa ag yaal dhagxaan madmadow oo aaskiisa lagu kariyey."Richard Francis Burton (1856) wuxuu ku tilmaamay dooxada Abaasa inay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan ee uu arkay:"Saddexdii iyo badhkii dib Ayaan u raacnay jidka loo maro dooxada Abaasa, oo ah meeshii ugu quruxda badnayd ee aan weli aragno. Joogitaanka hadda ee bani-aadmiga, si kastaba ha ahaatee waxaa noo tilmaamayay laamaha qodxan ta leh ee la jarjaray ee ka buuxa dooxada dhexdeeda; sidoo kale waxaan milicsanay raadka libaaxyo ay eryanayaan ugaarsatada, iyo xariijimaha abeesooyinka."www.adalarchives.com