Sawiradan oo la qaadey 1957 waxa inala wadaagay nin 70 jir ah oo aan is baranay oo la yiraahdo #BarryScowen. Wuxu ii sheegay inuu Borama degnaa sanad markuu yaraa isagoo 12 jir ah. Aabihii ayaa ka shaqayn jiray oo dadka ku caawin jiray qaybta biyaha oo wuxu khibrad wayn ku soo qaatay dagaalki labaad ee aduunka saldhigiisa oo ku yeelay saxaraha.
Barry iyo waalidkiisa waxay degnaayeen xaafado seeraha borama agtooda, wuxi yiri waxay ahaayeen 5 guri oo uu dhisan sidaa xaafadaha Ingriiska. 5taa xafaad waxa degnaa gudoomiyaha degmada, macalimiinta, booliska, iyo ninka kaymaha ka shaqayn jiray.
Wuxu xasuusta qolooyiin kenya ka yimid oo weegaas diyaarado yar seeraha ku dul duuli jiray oo ayaxa sun ku shubi jiray.
Inkastoo ku dhawaad 60 sano ka soo wareegeen xiligu Borama joogay ayuu hadana Barry aad uu xasuusta oo aad uu jecelyahay magaaladan, waxan isku baranay ba twitter ka ayuu ka arkay sawiradayda oo aan Borama ka qaaday lkn lama yaabin waayo qof walba oo Boorama arkaa wuu jeclaada mana iloobi marna.
Sido kale Barry wuxu ii sheegay inuu ilaa iyo Saylac tagaan oo wuxu xasuusta magaaloyinkay sii marin sida Cabdul Qadir, Arooseel, Gubanka iyo meelo kale. Berbera ayuu marki danbe uu guureen magaaladaasna si fiican buu uu xasuusta.
Add comment
Comments