Magaca JINACSANEY waa luuqadee ?

Published on 18 January 2025 at 10:57

Waxa jira magaalooyin badan oo degaan u ah dadka Somalida balse ay mulkiyadooda sheegtaan ama ay ku dagaallamaanba qowmiyadaha Oromada iyo Canfartu. Magaalooyinkan Canfarta iyo Oromadu waxa ay sheegashadooda u cuskadaan hal daliil oo keliya kaas oo ah; magacyadoda ayaa af Oromo/Canfari ah bes! Laakiin ma sheegi karaan goorta laga xoogay, sida loogala wareegay iyo sababta lagu maagay midna.

Tusaale ahaan Oromadu waxa ay sheegtaan magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso, Borama, Jigjiga, Gursum, Dirdhaba, Baabili, Moyale, Harawa, Jinacsaney iyo qaar kaloo badan. Marka laga yimaaddo afafka Somaliga, Canfariga iyo Oromada oo ah luuqado ilmo-habreed ah (sister languages) oo aad isugu qasma, hadana aniga aragtidayda way adagtahay in la helo garsoore ka mudan taariikhda madaxa banaan oo kala xukumi kara sheegashooyinka duulkan. Aynu tijaabino bal in taariikhdu ka garnaqi karto magaalooyinka lagu sheegto magaca oo keliya. Jinacsaney oo ay Oromadu magaca ku xalaashato ayaan ku soo qaadanaynaa maqaalkan yar inshaAllah.

Jinacsaney waxa ay fogaan dhan 28km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegantahay magaalada Jigjiga. Waxa ay xuduud beenaad la leedahay degmada Tulli-Guled iyo Maamulka Jigjiga.Jinacsaney waxa ay dhibbane u noqotay qorshe istiraatijiyadeedkii maamulkii TPLF ee isasudhka xuduudaha kililada Ethiopia waxaana lagu daray oo ay illaa maanta sharci ahaan hoos tagtaa kililka Oromada muddo ku dhow 19 sano. Waa degmo leh wax soosaarka beeraha iyo xoolaha.

Magaca 'Jinacsaney' waa luuqaddee?Goorma ayay ahayd markii ugu horreysay ee taariikhdu xustay magaca 'jinacsaney'?

Oromada: Magaca waxa ay u qoraan sidan: 'Chinaaksan'Waxa ay sheegaan in ay dhulka iyagu ugu hor dageen, iyagu magaca u bixiyeen asalka magacuna ahayn 'jinacsaney' ee uu yahay 'Chinaaksan' luuqadda uu ka soo jeedaana tahay af Oromo badhax la'. Faahfaahin intaa dheer ma hayaan.

Somalida:Magaca waxa ay u qoraan: 'Jinacsaney ' Waxa ay rumaysanyihiin in magacu yahay af Somali asal ah. Markaan macnihiisa raadiyey xoogaa sharaxaad qurux badan se aan macquul ahayn waan helay.

☆ Somalidu waxa ay tafsiir u allifeen macnaha magaca Jinacsaney. Waxa ay dhahaan: Jinacsaney waa magac ka kooban labo erey oo kala ah 'Jinac' iyo 'san'. Meeshu waxay lahaan jirtay jinac farabadan oo aad u qurqurux badan sidaas darteed ayaa loo yidhi Jinacsaney meeshii Jinaca samayd (mooyaan goor ay ahayd waagaa jinaca quruxdiisa lagu dhaadan jiraye)

☆ Sanadkii 2017kii aniga oo deeganadaa Jinacsaney u dhow shaqo u jooga waxa aan markii iigu horraysay nin waayeel ah oo aan waxna qorin waxna akhriyin afkiisa ka maqlay magac igu dhaliyay in aan magaaladan iyo kuwo kaleba taariikhdooda wax iska weydiiyo. Isaga oo ka sheekaynaya magaalada jinacsanay iyo berisamaadkeedii (golden times) ayaa wuxu sheegay in uu waalidiintiisii ka soo gaadhay in Jinacsaney magaceedii hore ee asalka ahaa la odhan jiray "JANNASAR!" Magacaas ayaan qortay waxanan weydiiyay dadkaloo aynigiisa ah ama ka weyn, wayna ii xaqiijiyeen.

☆ JANNASAR! Gartay oo magacu af Somali ma aha, Oromona ma aha. Tolow xagee ka yimid magacan Jannasar muxuuse yahay macnihiisu?

☆ Kol waxan isla doontay labo arrimood oo ah in magaaladu ku taallo bogcad badanaa loo xusho tababarka ciidamada islamarkaana dawladihii soo maray iyo jabhado badani aad ugu isticmaali jireen in ay ciidamadooda dejiyaan tababarrana ku siiyaan. Tan labaadna waa in ay ku taallo aag ay taariikhdu xustay in ay soo gaadhi jireen ciidmadii Cusmaaniyintu. Cusmaaniyintu waxa ay lahaan jireen ciidan gaara oo la odhan jiray Janasariska (jainasaries). Tolow ma ciidankaas ayaa meeshan fadhiyi jiray oo loogu magac daray? Maya! Malahaasi ma rumoobin!

¤ Balse waxa yaab igu noqotay markii magacii aan ka helay sooyaalka afka la iskugu gudbiyo ugu tegay taariikhaha ku qoran buugaagta qadiimiga ah.☆ Sadex jeer ayuu ogaalkayga magaca 'Jannasar' ka soo muuqday kaydka qoraallada taariikhda. Mar waa diiwaanadii taariikheed ee laga qoray dagaalladii dhexmaray boqorradii iyo amiirradii dawladihii Makhzuumiyiinta iyo IFAT. Marka labaadna waa xiligii Axmed Gurey oo uu xusay buuga Futuux Al Xabash. Marka sadexaadna waa diiwaannada taariikhdii amiirradii ka danbeeyey Amir Nur.

1. Magaca 'Jannasar' waxa markii ugu horraysay ogaalkayga lagu xusay mid ka mida kuwa ugu da'da weyn diiwaanadii taariikheed ee laga helay magaalada Herer qarnigii 19aad, kaas oo ka warramayay dagaalladii dhexmaray markii ay sii burburaysay saldanadii Shawa (Makhzuumiyiinta) iyo aasaasihii Dawladii Awfaad Cali Bin Cumar Walasmac. Qoraalku wuxu odhanayaa sidan:《Cali Walasmac oo ku gudajira ol'olihiisii dagaal ee uu kula jiray saldanadii Shawa waxa uu galay magaalada 'Jannaxsar' dhamaadka sanadkii 680kii hijriga oo ku beegan 10 April 1282kii》

2. Mar labaad magaca 'Jannaxsar' waxa diwaanka taariikhdii Herer lagu xusay dabayaaqada qarnigii 16aad iyo dagaalladii sokeeye ee dhexmaray Amiirrada markii ay burburaysay saldanadii Adal ee ay Oromadu dumisay. Waxana la qoray sidan:《Abbaanduule Mansuur ibn Muxamad ibn Ayuub oo raba in uu xoog kula wareego kursiga talada imaaradda Herer ayaa ka baxay magaalada Cawsa wuxuna u jihaystay dhinaca magaalada 'Jannaxsar' bishii jumaadul aakhir 982kii oo ku beegan (August-September 1577kii) balse waxa dhexda u galay oo halkaas u ku dilay kooxo fallaago ah》Labadan jeerba magaca waxa ku jirta xarafka 'X'da.

3. Marka sadexaad magaca oo loo qoray si waafaqsan sidii aan afka dadka deegaanka uga maqlay "Jannasar" (ay ka maqantahay 'X'da) waxa lagu xusay buugga caanka ah ee Futuux Al Xabash.

Futuux Al Xabash waa halka ugu dhow ee loo daliishan karo in magacyada Jannaxsar, Jannasar iyo Jinacsaney ay isku mid yihiin. Buuggu waxa uu tilmaamayaa halka ay ku taallo magaalada 'Jannasar '. Marka uu ka hadlayo dhacdada dhexmaraysa Imam Axmed Gurey iyo Suldaan Cumardiinkii Ifat oo kacdoon ka dhan ah imaamka abaabulay xoogaa ka hor sanadkii 1527kii, magaalada Jannasar waxa uu qoraagu ku tilmaamay in ay ku taallo meel labo dharaarood looga socdo magaalada Sirba ee ay degaan qabiilka Xarladu oo dhinaca bari ka xigta Herer.

NUXURKA qoraalkan iyo ujeedkiisu ma aha in aan Jinacsaney magaceedii hore ee saxda ahaa soo bandhignay, balse inta la helayo baadhitaan cilmiyaysan oo lagu xaqiijinayo meesha rasmiga ah ee ay tahay Jannasarta lagu xusay Futuux Al Xabash, anigu waxan qabaa dooddahan soo socda;

☆ Ma jiro farqi cad oo u dhexeeya labada magac ee 'Jannaxsar' iyo 'Jannasar' marka laga reebo xarafka 'X' ee luuqada Carabiga. Waxa dhici karta in ay jireen labo magaalo oo isku magac ah ama kala danbeeyey oo la isugu magacdaray kuwaas oo laga yaabo in ay midi ku oolli jirtay dhinaca shawa (sida tan la xusay 1282kii) midda kalena ku ooli jirtay bariga Herer (sida tan uu xusay Furtuux al Xabash).

☆ Anigu waxan qabaa in magaca Jannasar ee 1527kii lagu xusay buuga Futuux uu yahay isla magaca ay magaalada jinacsanay u yaqaaneen Somalida gobolkaasi deggen oo ah Jannasar, maantana isku bedelay Jinacsaney.

☆ Taariikh ahaan waxa aan caddaynay in aanu magaca Jannasar ahayn kelmed af Oromo ah balse uu yahay magac jiray oo shaqaynayay ka hor intii aanay Oromadu isku soo fidin dhulkan maanta loo yaqaano bariga Ethiopia laga bilaabo Shawa, gobolka Harargey illaa carro Soomaal. Oromadu waxay dhulkan soo gaadhay qarnigii 16aad qaybtiisii danbe oo ay xoog iyo durduro ku qabsatay. Weli shan qarni uma buuxsamin deganaanshaha Oromada.

☆ Sidoo kale waxan caddaynay in aan magaca Jannasar si cad loogu sheegi karin af Somali balse labada af (Oromada iyo Somaliga) hadii uu mid noqonayo in uu uga dhow yahay af Somaliga maaddaama xiliga ay taariikhda miilaadiga xustay magacan dadka Somalidu degganaayen aagga lagu sheegay in ay ahayd magaaladii Jannasar.

☆ Waxa jira magaalooyin, gobollo iyo deegaano qadiimiya oo dagaalkii Imam Axmed Gurey hortii ku oolli jiray gobolka Harargey kuwaas oo lahaa magacyo asalkoodu yahay af Adari, Argobbe, Somali gaboobay iyo afafkale oo aan la caddayn karin. Deegaanadaas waxa ka mida GIDAAYE (oo maanta lagu magacaabo jilib ka mida beesha Sheekhaal) SHAWA (oo maanta lagu naanayso jilib ka mida beesha Dhulbahante, Caligeri) BUSAKARORWAGARA-TALAGAMARARGABAR-GEY XADDIMORA iyo JANNASAR. Magaalada Jannasarna kuwaas uun bay la luuqad ahayd qiyaastii.

# Sidoo kale magacyada aan af Oromo ab iyo isirtoona ku lahayn ee diiwaanadii taariikhda Herer lagu xusay waxa ka mida;

1. Harargey: oo ka kooban labo erey oo af Adari ah: Harar: magaca magaalada Herer iyo Gey: Magaalo/caasimad

2. Harawe: oo diiwaanka taariikhda Herer lagu xusay muddo laga joogo kun sanadood 1000 miilaadiga xilli aanay Oromadu sooba cagadhigan bariga Ethiopia (iminka lafteeda sii jirta irrida magaalada Harar saan filayo).

3. Hammaresa: oo ah af Adari macneheeduna yahay beerta Ubaxa.4. Ganda: Degmo (af adari) tus: Ganda garaad, Ganda malaaq iwm.

5. Baabila (Baabilli) oo Oromadu is moodsiisay in loogu magac daray mid ka mida qabiillada Oromada ee la isku yidhaahdo afarta 'ilma Qallo' jilibkaasoo magaciisa la dhaho 'Baabillee'. Balse magaca uun baa kulmay magaca Baabillana waa uu ka da'weyn yahay qarnigii 16aad iyo hayaankii Oromada ee bariga Harargey.

6. Bisiddiimo 7. Faddise (oo ay Oromadu is moodsiisay Fadis)8. Cumar kuulle9. Baali10. Nageele11. Erer12. Dirdhaba...Iyo qaar kaloo badan.

Add comment

Comments

There are no comments yet.