Inanta Boorama

Published on 12 February 2025 at 18:32

 

Degmo Inanta Boorama

Ee Aloog dusheediyo

Agagaarka Saw iyo

Awdal xeebeheediyo

Abbase iyo Libaaxleey

Iyo Eelo iyo Udo

Qadaw oodihiisiyo

Meel adhigu daaqiyo

Tegen illimihiisiyo

Ilihii dhexdoodiyo

Idhankii Dilaadiyo

Afka Gaawe lagu dhalay

*

Waa ubad xalaaloo

Biyo aqal samaaniyo

Waalid aad u wacaniyo

Dhaqankii udgoonaa

Ka abuurmay weeyaan

*

Waa gabadh asluubiyo

Ixtiraamka guudiyo

Il-nugeyl haweeniyo

Anshaxiyo is wada dhawr

Ababkeedu uu yahay

*

Go’e inantu waa inan

Ubad weeyi hawl fudud

Waa gabadh ilkaha qoran

Axdigii ay qaadiyo

Waa naag amaanadu

Sanka oogadiisiyo

Kaga taallo meel adag

*

Gabadh aan iskuulkiyo

Aqalkiyo arddaagiyo

Hooyadeed agteediyo

Ka fogaan albaabkoon

Ibtiloonin weeyoo

Jacaylkeedu waa udub

Marka lagu abuuraa

*

Af soomaaligeediyo

Sheekadeedu waa edeb

Waa erayo googo’an

Naxariis ilkaha taal

Aaddo iyo huunniyo

Waa hadalo uurka ah

*

Waa dareen abyoonoo

Waa xidid arooroo

Abtirsiimadeediyo

Dhaqankeedu waa uud

*

Anfaceedu waa garaw

Iyo subag udgoon weyn

Agabkeedu waa gogol

Xariir aragga deeqdoo

Indhadaalis loo tolay

Aqal laba daryaala ah

Tuldohoo ummaagiyo

Alool-dhebi la soo xulay

*

Midabkeedu aaliyo

Ubixii galoolkiyo

Sida roob aroryiyo

Waa oogta waaberi

*

Waa gabadh adeec badan

Ehel weeyi reer jecel

Waa hooyo ubadkiyo

Odaygaba u foojigan

*

Go’e inantu waa inan

Waa naag udgoon jecel

Gabadh uunsi garab yaal

Gaari weeyi aqalkiyo

Aynigeeda loo bogo.

 

W/T: Bashir Sh. Omer Good (Goth)

Add comment

Comments

There are no comments yet.