Dardaarankii Ugaas Nuur

Published on 10 February 2025 at 20:56

Gabaygii dardaaran ee Ugaas Nuur Ugaas Rooble tiriyay markuu dunida kasii baxaayay AUN


✓Tolkayow haddaad garan anigu geeddi baan ahaye,
✓Cudurkani i galay meeluhuu gooyey baan garane,
✓Guri kheyr leh eebaan ka sugi inuu i geeyaaye,
Aan dardaaran gabay sii tirshee geliya laabtiina.
✓Gadabursi oo idil waxaan ku guubaabin
Garbaha is qabsada oo tolow gees u wada jeeda.
✓Gol daloolo yuun helin cadowgu iyo meel uu kaa galo ee,
✓Is garta oo walaalnimada guud gooni u ilaasha,
Haddiise shaki idin dhex galo oo xumuhu gadhaysto,
✓Oo reerba meel u guuro oo laysku gali waayo,
✓Oo reer col soo galay ka kale soo gurmani waayo,
✓Oogada ilaa Guban abaar guuraysaa degiye,
✓Gaajaa idin heli oo dhulkuna geed kaluu bixinee,
✓Caruurtayda gabaygani haddaan gooni ugu sheego,
✓Ciisow (ugaas rooble ugaas Nuur) guntoo oo dadaal goor iyo ayaanba,
✓Gobanimada eeg oo tolkaa guudka ka ilaali,
✓Guddigana go'aankooda guud gees ha uga leexan,
✓Gaashaanka adigoo hayoo cadow garaacaaya,
✓Gas gaslaha tol kala geeyaha cudurka guuxaaya,
Oo xuma gargaar kii noqdana garabka siinaaya,
✓Haddii reerihii balo gashood maqasho guuxooda,
✓Ha ka gaabin meeshii horeed faraska gaadhsiisay,
✓Boqornimo xumaan kuma go'dee way galgalataaye,
✓Haddii cadowgu geedkaaga jaro xididka soo gooyo,
✓Garbadii dhacdaba waxa ka bixi geed agtiisa ahe,
✓Kii gudin ku jaray waa danbuu garani doonaaye,


Tixdan ugaasku wuxuu tiriyey markuu sakaraadku u yimid waxay inna tusinaysaa xeeldheerida dareenkiisa.

Add comment

Comments

There are no comments yet.