Cali Bucul

Published on 12 February 2025 at 19:32

Cali Bucul, waxa uu ahaa abwaan Soomaaliyeed, hogaamiye ciidan iyo suldaan caan ahaa qarnigii 19aad oo ka soo jeeday Awdal. Waxa uu caan ku ahaa maansooyinkiisa gaagaaban ee caanka ahaa horraantii qarnigii 20-aad.
Asal ahaan wuxuu ka soo jeeda Makaahiil Samaroon (Gadabuursi). Abwaanku waxa uu ka dhex muuqday raggii caanka ahaa ee qarnigii 19-aad oo ka mid ahaayeen Aadan Gurey iyo Maxamed Cabdille Xasan (Sayidka), Cali Bu’ul ayaa soo saaray gabayo badan oo ilaa maanta la akhriyo. Waxa uu ku dhashay gobolka Awdal.
Cali Bucul wuxuu ka soo horjeestay in Xabashidu ay canshuur ka qaado dadka Soomaaliyeed ee deggan dhulka hadda loo yaqaano deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa lagu xasuusta Cali Bucul geeraaradiisa (erey af-soomaali ah oo tilmaamaya gabayo gaaban, marka loo eego gabayga caadiga ah). Geeraarka waxaa inta badan la tiriyaa xilliyada adag ee dagaalka iyo hirdanka. Gadabuursigu waxa ay caan ku ahaayeen in ay fardaha geeraarka ku ammaanaan oo ay magacooda ku celceliyaan. Cali Bu’ul oo ah hogaamiye ciidan waxa uu la kulmay Sayidka ama Maxamad Abdullah Hassan meel ka mid ah xuduudka hadda jira ee gobolka Soomaalida Itoobiya.
Sayidku aad buu ula yaabay markii uu maqlay in Gadabuursigu caan ku yahay in ay fardaha geeraarka ku ammaanaan oo ay fardaha magacyadooda ku celceliyaan. Maxamad Abdullah ayaa go'aansaday inuu naftiisa maqlo oo uu la tartamo Cali Bu'ul. Markaas ayey ahayd markii gabaygii caanka noqdqy ee Amaan Faras uu tiriyey Cali Bu’ul isagoo fuushan faraskiisa, 1909kii, taasoo ilaa maanta lagu barto dugsiyada Soomaalida, caanna ku ah dadka Soomaaliyeed.


"Gammaan waa magaca guude
Sange aan gabanaynoo
Heerimaadka ka giigiyo
Magaankii godgodnaa-iyo
Geenyadii dhidigaydiyo
Gabigood ka dhexeeyo
Haybta way isku gartaane,
Guul-wadaw faraskayga
Haddii Aan galaddiisiyo
Gadihiisa tilmaamo
Waa gal maaxanayoo
Gaadhimayno guntiisa oo
Waan ka gaabsanayaaye
Rag Alloow gaf miyaa ??
Almis goodiyadeediyo
Bulaxaar gudub keed-iyo
Galihii harawaad-iyo
Gureys reeraha yaala
Galabuu iskumaraaye
Ma daruur gudgudaa??
Gabangoodi abaaroo
Dadku guuyo ka quustay
Geel buu soo tu'iyaaye
Ma gob reero dhacdaa?
Goluhuu miranaayo
Gurxan dhawrta fogeeyiyo
Gooh-weyn buu bixiyaaye
Ma Aar goosan wataa ??
Guuluhuu ku xidhnaayoo
Nacab soo gardaraystiyo
Gaas laxaadliyo guuto
Guluf weerar ku qaadiyo
Gaade guuyo wareegiyo
Guhaad buu ku xijaaboo
Rugtiisa gaajo magaydo
Aad baa loogu gam'aaye
Ma ganuun nin dhamaa??
Gurcud roob gibil saarayo
Gufaacdiisiyo caydhku
Naftaydii gilgilaysaa??
Tuuga soo gabanaaya
Laydhiisuu ka gartaaye
Ma Kuhaan garab-daarloo
Faalka guun ku noqdaa??
Hal'garaadka guntiisiyo
Guudkii buu ka caddaadee
Ma galool ubaxlaa??
Fanku suu u dhitoobay
Ma Aroos dhumucweyno
Duleedkuun dhacadiidoo
Dhiilo loo alyayaa ??
Tagoogaa dhanbacaada
Ma Libaax dhalanteedoo
Cad geel dhuuyadaybaa??
Dhasalaalaq ciyaarka
Ma dhallaan rugta joogo
Soo dhaansaday uurkoo
Dhibic roob helay baa ??
Sayntiisuu ka cisiiniye
Ma seyruukh la ganaa??
Afartiisa cagoodiyo
Cududuhuu dib ulaabay
Ma Comaadiga haadoo
Samadaa ku carceerayoo
Meel casaanle arkaayoo
Hoos u Caaridayaa ??
Halka lawgiyo laabtiyo
Ladanow badhi dhawrka
Leemaaduhu iska galeenbaa
Ladnaan loogu gam'aaye
Ma Aroos ladanba??
Helmiyay oo helmiyay oo
Ammaantiisii heli waayaye
Hoosiisow madabkaagu
Ma habeenkiyo waagoo
Kala haayirayaa ??"


Gabayga kale oocaan ah oo uu tiriyey Cali Bu’ul waa Guulside oo u dhigan Guul-wade, waxaa gabaygan ka mid ahaa:


Guulsidow faraskayga.

Hadii aan gallaaddsiisiyo.
Gedihiisa tilmaamo.
Waa gal maxaanaya oo.
Gaadhimayno xogtiisa oo.
Waan ka gaabsanayaaye.
Rag allow gef miyaa?.
Almis gooddiyadeediyo.
Galihii harawaadiyo.
Gureys beelaha yaalla.
Galab buu isku maraaye.
Ma daruud gudgudaa?
Gabangoobi abaar ah oo.
Dadku guunyo ka quustay.
Geel bu soo tu'iyaayee.
Ma gob reera dhacdaa?
Galuhuu miranaayo.
Gurxan dhawrta fogeeyiyo.

Add comment

Comments

There are no comments yet.